DugsiyadaUncategorizedWararkaWaxbarashada

11 Takhasus Jaamacadeed ah oo Aad Si Fudud Ugu Heli Karto Shaqo

Marka uu yimaaddo wakhtiga doorashada takhasuska kulliyadda, ardayda jaamacadaha waxaa si xoog ah u qabsada maskaxdooda shaki; kaas oo qeyb ahaan ku salaysan shakiga in takhsusuka suuqa looga heli karo shaqo iyo in kale, marka uu dhamaado 4sano ee jaamacadda.

Sanooyinkii dambe, waxaa isbedelay fahamka shaqaaleysiinta shirkadaha waaweyn iyo kuwa soo koraya ee adduunka, gaar ahaan xilligan la tiigsanayo horumarka dhanka teknoolajiyadda, halka aaney shahaadadu ahayn qiimeynta koowaad ee qofka lagu shaqaaleysiiyo, waxaase la eegaan waxqabadkii hore ee qofka “profile” qofka oo lagama maarmaan u ah si loo shaqaaleysiiyo.

Warabixin uu diyaariyay joornaalka “Business Insider” ayaa lagu soo daabacay takhasusaadka jaamacadeed ee shaqo la’aantu ku yartahay ama dadka bartaa badankoodu ay shaqooyinka helaan.

1 .Physics – 4.49%

2 .Civil Engineering – 4.29%

3 .Biochemical Sciences – 4.22%

4 .Language and Drama Education – 4.11%

5 .Sayniska Xoolaha(Animal Sciences) – 3.97%

6 .Nursing – 3.81%

7 .Macallinimada Dugsiga hoose – 3.63%

8 .Comminication Disorders Sciences And Services – 3.48%

Dadka maadadan ku takhusasa waxay noqday dad daweeya caruurta hadalku uu ka raago iyo kuwa kale ee maqalku ku gaaban yahay.

9 .Waxbarista dadka baahiyaha gaarka ah qaba “Special Needs Education- 3.11%

10 .Maamulka Khayraadka dabiiciga ah “Natural Resources Management” – 2%

Isbedelka cimillada adduunka ee sii kordhaya ayaa keenay in si aad ah loo raadiyo dadka takhasuskan leh.

11 .Culuumta bushada iyo Taariikhda “Social Science or History Teacher Education” – 1%

Si kastaba,  joornaalka Business Insider warbixintiisan waxa uu ku saleeyay tirakoobyo kasoo baxay website-ka “Zippia” oo adeegsanayay data tirakoob oo si gaarka ah loogu sameeyay dalka Mareykanka; si loo qiimeeyo heerka shaqo la’aanta dadka dhalinyarada ah ee da’doodu u dhaxayso 22-25 jirka, waxaa kasoo baxay tirakoobkaa takhasusyada shaqooyinka sida fudud loogu heli karo.

Maanadeeq FM 

Related Articles

Close