UncategorizedWararkaWaxbarashada

Iskuulkaadka Ciraaq oo Lagu Baranayo Luuqadda Ruushka

Wasaaradda waxbarashada dalka Ciraaq ayaa manhajka iskuulaadka ardayda ku dartay barashada luuqadda Ruushka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska warabaahinta ee wasaaradda.

Bayaanka ayaa lagu xusay in wasaaradda ay soo saartay go’aan kulan ay wasaaraddu yeelatay November 12, “Bashada Luqadaha Ruushka iyo Spanish-ka ay aqoontu ku hagaagto, halka aan luqadahan lagu soo dareyn imtixaanka ardayda.”

Bayaanka wasaaradda ayaa lagu caddeeyay inaaney dooneyn in culeyska ay ku kordhiyaan ardayda isla markaana ay dooneyanaa iney soo kordhiyaan maaddooyin waxbarasho oo casri ah.

Ugu dambeyn, go’aankan cusub ee luqada Ruushka iyo Spanish-ka lagu baranayo ayaan weli ka dhaqangelin iskuulaadka Ciraaq.

Maandeeq FM

Related Articles

Close