arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Lacago Aad Qaali u ah oo La Kala Siistay Dheemanka Ugu Qurxoon Adduunka

Dheemanka Adduunka ugu Qurxoon ayaa lagu iibiyay lacago Qaali ah, iyadoo lagu kala iibsaday xaraashyada ee magaalada Geneva.

Sida ay qortay jariidada “Lacroix” ee Fransiiska kasoo baxda, Talaadadii shalay ee November 14, ayaa dheemanka ugu qurxoon adduunka oo uu lahaa guriga mujowharaadka ee “De Grisogono” ee Switzerland ayaa lagu kala iibsday lacago gaaraysa 25 milyan oo dollar, kadib markii lagu soo bandhigay guriga xaraashyada ee Christie ee magaalada Geneva.

Jariidada Faransiiska ah ayaa tilmaantay in farasamo yaqaannada ay ku qaadatay iney naqshadeeyaan muddo 1700 oo saacadood ah, iyadoo ay ka shaqeynayeen 14 qof oo xirfadlayaal sare ah.

Jowharaddan cajiibka ah ayaa miisaankeedu gaarayaa 163.41 Qiiraad ee qiyaasta maaska(halkii qiiraad waxa uu u dhigmaa 200 milligrams.) , waxaana la socda silsilad Sumurud ah oo cagaar ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close