arrimaha bulshadaUncategorizedWararkaWaxbarashada

Wasiirka Dalxiiska Malaysia oo Dhaleecayn Usoo Jeediyay Hoteellada Caalamiga ah ee Shaqaalahdooda Ka Mamnuucay Xijaabka

Wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka dalaka Malaysia, Mohamed Nazri Abdul Aziz ayaa dhaleeceeyay Talaadadii shalay qaar ka mid ah hotellada caalamiga ah ee ka howlgala gudaha dalkiisa, kuwaas oo gabadha shaqaalaha soo dhaweynta ah u diiday iney xirtaan xijaabka, isoo arrintaa ku tilmaamay “Sharcidarro iyo dastuurta oo la hareer maray”.

Jariidada “Today Online” ee kasoo baxda guda dalka Singapore ee gaarka loo leeyahay ayaa qortay in wasiirka uu yiri: “In xijaabka la mamnuucaa waxay muujineysaa kala sooc, maxaayeelay dastuurkeennu si cad ayuu u sheegayaa inaaney habbooneyn in dadka lagu kala saaro jinsiyad ama diin.”

Waxa uu intaa sii raaciyay isagoo la hadlayay milkiilayaasha hotellada caalamiga ah: “Markaad waddankeenna timaaddaan waa inaad qaanuunkeenna ixtiraamtaan, waxaan leenahay sharci aasaasi ah, xijaabkuna waa qeyb dhaqankayaga ka mid ah.”

Si kastaba, Hadalka wasiirka ayaa ka dambysay kadib markii wasaaradda dalxiiska ay soo gaareen cabashooyin dhanka gabdhaha ka shaqeeya hotellada caalamiga ah oo lagu amray iney xijaabka siibaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close