UncategorizedWararkaWaxbarashada

XF Soomaaliya oo Kordhisay Miisaaniyadda Waxbarashada iyo Caafimaadka ee 2018

Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo habeennimadii xalay ka qeybgalay kulan ay soo qabanqaabiyeen dhalinyaro la macag baxday “Kacdoonka Nabadda” ayaa sheegay in miisaaniyadda 2018 ay sare u qaadeen kharashaadka ay ku bixinayaan waxbarashada iyo caafimaadka.

R/wasaaraha ayaaa tilmaamay in miisaaniyadda 2018 ay golaha wasiiradu meelmariyeen galabnimadii Talaadada, markii ugu horreysayna lacago loo qoondeeyay tayaynta waxabarashada, caafimaadka iyo Af-Soomaaliga.

“Waxaan soo ansixinay miisaaniyadda 2018, waxey ka tarjumeysaa wax ka duwan wixii hore, waxey ka tarjumeysaa in kor u dhignay qeybta waxbarashada ee miisaaniyadda boqolkiibsa konton iyo afar, macnaheedu waxaa ay tahay waa markii ugu horreysay, haddii uu Ilaahey yiraahdo, 2018 ay dowladda Soomaaliyeed ay dhihi karto waxaan dhiseynaa iskuul lagu dhisaayo lacag laga soo qaaday shacabka Soomaaliyeed oo aan lasoo tuugsan”, Ayuu yiri ra’isul wasaaraha oo ka hadlayay in isku filnaanshiyo xooga ah oo looga maarmo deeqaha dalalka shisheeye ay ififaalaheedii soo muuqanayso.

Si kastaba, XF Soomaaliya ayaan bixin adeegii dhanka waxbarasho ee looga baahnaa,  waalidiinta Soomaaliyeed ayaa la daalaadhaca waxbarista ubadkooda, halka caruur farabadan ay iskuulaadkii ka baaqdeen waalidkood oo aan ka bixin karin lacagaha waxbarashada awgeed.

Maandeeq FM

Related Articles

Close