WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Caruurta Ayeeyo Koriska ah oo Koolkoolinta Faraha Badan ay Saameyn Taban Ku Yeelato Caafimaadkooda

Cilmibaarayaal ayaa daraasad ay sameeyay ka soo saaray natiijo ku aaddan koolkoolinta faraha badan ee ilmaha ayeeyo koriska ah ay dhibaato caafimaad u keento.

Sida ay qortay BBC, Cilmibaaristan oo ay faafisay jaamacadda Glasgow,  ayaa waxaa lagu sheegay in ayeeyooyinka /awoowayaasha ay u badan yihiin iney ubadka koolkooliyaan iyagoo isku dayay iney cunnooyin farabadan siiyaan daryeel dheeraad ahna u muujiyaan.

Daraasadda ayaa waxay hoosta ka xariiqday in ayeeyooyinka qaar ay ilmaha hortooda ay ku cabaan sigaarka mana siiyaan fursad ku fulan oo ay sprots-ka ku ciyaaraan.

Cilmibaariyaasha sameeyay daraasaddaan ayaa waxay baareen 56 daraasado oo hore, kuwaas oo laga uruuriyay dalalka 18 dowladood ah oo ay ka mid yhiin Ingiriiska, Mareykanka, Shiinaha iyo Japan.

Dhanka ku saabsan nidaamka cuntada iyo kororka miisaanka, cilmibaarista waxay sheegtay in dhaqanka ayeeyadu uu saameyn taban oo aan wanaagsaneyn ku yeesho caruurta, waxaaney tilmaameen iney iska fududeystaan korintaanka caruurta dhanka wadada ugu habboon ee loo daryeeli karana caafimaadkooda in looga wanaagsan yahay, waxayna ku dhaleeceeyay iney caruurta cunto un ay ku sasabaan xilliyada ay doonayaan iney soo dhaweystaan.

Si kastaba, Ayeeyo koriska Soomaalida dhaqankeeda si weyn ayaa loogu yaqaanna, waxaana la yiraahdaa sida uu bulshada kale ula qabsado ayaa adkaata koolkoolinta faraha badan ee uu helayo darteed.

Maandeeq FM

Related Articles

Close