UncategorizedWararkaWaxbarashada

In Kabada 15-Kun oo Caalim oo Bayaan ay Soo Saareen Digniin Adag u Diray Aadanaha Adduunka

In ka badan 15 kun oo caalim oo ku kala nool daafaha kala duwan ee dunida ayaa soo cusbooneysiiyay warqadda “Maalinta Qiyaamaha” ee lasoo saaray sanadkii 1992, si dadyowga adduunka loogu baraarujiyo khatarta soo foolleh.

Sanadkii 1992, ayaa waxaa lasoo saarey “Digiinta cululmada-sayniska ee ku waajahan aadanaha”, waxaa warqadda saxiixay tiro cululmo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize ee sayniska, waxana warqaddaa lagu sheegay in aadanuhu ay waajahayaan khatar baaxadeedu ay aad u ballaaran tahay.

Hadaba, bayaanka cusub ee ay culumada-saynisku soo saareen ayaa lagu sheegay, “Haddii mushkiladda adduunku waajahayo la maareyn waayo, mustaqbalka aadanaha, dhirta, iyo xayawaanka waxay ku jiraan khatar dhab ah, waxaa dhici karta in dunidu ay isbedesho oo nolosha aan ku ilaalin kari weynno sida ay hadda tahay.”

Bayaanka loo lagu faafiyay jariidada “Bioscience” ayaa William Ripple oo ah professor cilmiga deegaanka ka dhiga jaamacadda Oregon ayaa ka hadlay baaqa labaad ee culumadu ay adduunyo gaddoonka uga digayaan, kaas oo ay saxiixeen 15,364 caalim oo ku nool 184 dal, waxa uu yiri William : “Baaqan labaad waa digniin culumada-saynisku gaarsiinayaan aadanah, maxaayeelay, waxaa laga gaabiyay in horumar wanaagsan laga sameeyo xadaynta culaysyada inagaga soo foolleh dhanka deegaanka, wakhtiga aan haysanaana aad ayuu u kooban yahay.”

Culumadan ayaa bayaankooda ku xusay in 25sano ee lasoo dhaafay ay kordhaysay “Deegaanna baaba’ay” ee dhanka badaha ah iyo in la burburiyay 129 milyan oo Hiktar oo kaymo ah.

Bayaankan digniintan ah oo ay culumadu soo saareen ayaa lagu sheegay in 10sano ee lasoo dhaafay ay ahaayeen kuwo kuleylku uu kor u sii socday, laga soo bilaabo 1998, halka ay hoos u dhacday tirada kalluunka, baribiyoodka, xamaaratada, shimbiraha oo si kooxo ah loo waayay saami dhan 58% laga soo bilaabo sanadkii 1970.

Waxaa xusid mudan, waxay rajo ka muujiyeen in hoos loo dhigay qiiqii dhanka hawada sare u bixi jiray ee burburinayay daqadda ozone-ka ee hawada sare, taas oo ah tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, waana sida warqadda ku xusan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close