WararkaWaxbarashada

W.Waxbarashada XFS oo Amiin Ambulance ka Codsatay Iney Ardayda Siiyaan Tababarro Gurmadka Degdegga ah

Wasaarada waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Iyo Amiin Ambulance ayaa galay heshiis iskaashi ah oo la xiriira tababarka ardayda iyo gargaarka degdegga ah ku saabsan.

Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare  mudane Cabdiraxman  Daahir  Cismaan oo munaasbadda heshiiska ka hadlay ayaa u mahadceliyay  Amiin Ambulance kaalintii muhiimka ahayd ee ay ka qeyb qaataan qaraxii ka dhacay isgoyska Soobe 14-kii October.

 Cabdiraxman Daahir Cismaan ayaa codsaday in Amiin Ambulance ay tababar iyo wacygelin siiyaan ardeyda Iskuullada iyo Jaamacadaha.

Dhinaca kale, Dr. Cabdiqadir Cabdiraxman oo ah agaasimaha Amiin Ambulance oo la hadlay Goobjoog News oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM ayaa sheegay in ay wasaaradda kula heshiiyeen sidii ardeyda iskuullada iyo Jaamacadaha loogu tababari lahaa arrimaha la xiriira gargaarka degga ah arrintaas oo ku jira manhajka, loona siin lahaa Numberada Amiin Ambulance si haddii dhibaato qabsato u helaan gargaar degdeg ah.

Dr. Cabdiqadir Cabdiraxman ayaa tilmaamay in ardeyda ay ka qeyb yihiin kooxaha gacanta siiya gargaarka degdegga ah, barnaamijkanna uu qeyb ka noqon doono in xiriirka la sii xoojiyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close