UncategorizedWararkaWaxbarashada

1% Dadka Adduunka oo Haysta Kala Bar Hantida Dunida

Warbixin sanadle ah oo Khamiistii shalay la faafiyay ayaa muujisay in 1% dadka adduunka ay haystaan  kala bar hantida adduunka taalla.

Warbixintan oo kaso baxday Bankiga “Credit Suisse” ee gudaha dalka Swiss-ka ka dhisan ayaa lagu sheegay in guud ahaan hantida adduunku ay korortay 6% marka loo eego sanadkii hore iyadoo gaartay $280 trillion, waana saamigii ugu badnaa ee kororka hantida laga soo bilaabo 2012.

Dadka ugu taajirsan adduunka oo ah 1% ayaa hantidooda waxaa ku korortay 1.50%, marka loo eego sanadkii 2001 oo ay hantidoodu korortay 5.45% waana markii uu kororku ugu badnaa, waana arrin tusineysa in ay sii kordhayso marba marka ka dambeeya gaabka u dhaxeeya dadka faqiirka ah iyo taajiriinta adduunka.

Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay iney adduunka ku noolyihiin 36 milyan oo milyaneero ah, halka Mareykanka oo qura ay joogaan 15,3 milyan oo milyaneero ah.

Dadka ugu faqiirsan adduunka ayaa gaarya 3,5 bilyan oo qof, qofkiiba waxa uu leeyahay qiyaas ahaan hanti gaareysa $10 kun oo dollar, halka 70%  dadka adduunka ee gaaray da’da shaqada ay haystaan 2,7%  hantida Adduunka!.

Maandeeq FM

Related Articles

Close