UncategorizedWararkaWaxbarashada

Dadka Niyad-jabka Jacaylku uu Ku Dhaco oo La Farayo Iney Qaataan Daawooyin (Daraasad)

Khubaro ka tirsan jaamacadda Aberdeen ee dalka Scotland oo daraasad ka sameeyay saameynta mushkiladaha caadifadeed ee dhanka jacaylka fashilmay uu  ku yeeshaan caafimaadka qofka ayaa gaaray natiijo ah in dadkaas ay u baahan yihiin daaweyn la mid ah tan dadka wadna xaruunka qaba.

Khubaradan ayaa waxay daraasad ku sameeyeen 37 qof oo ay ku dhacday niyad-jab dhanka jacayl ah iyo kuwo kale oo qaba mushkilado caafimaad oo dhanka wadnaha iyo xidada dhiigga ah, waxay isha ku hayeen xaaladooda caafimaad muddo 2sano ah. waxaana loo baaraya dadkaasi si joogta ah.

Natiijada daarasaddan ayaa lagu faafiyay gudaha shirkii golaha cilmibaarista ee ka dhacay Anaheim,  California. Halkaas oo cilmibaaryaashu kusoo bandhigeen caddeymo ku saabsan inuu wadnuhu daciifo dadka niyad-jabka jacaylka la kulma ama jacayl hal dhinac ah uu ku dhaco, si la mid ah dadka qaba xanuunnada dhanka wadanaha iyo xidada dhiigga ah.

Cilmibaaryaasha ayaa si gaar ah u arkay iney dumarku kaga nugulyihiin mushkiladaha caafimaad ee ka dhasha niyad-jabka jacaylka fashilma, marka loo eego ragga.

Cilmibaaristan ayaa ugu dambeyn laga gaaray natiijo ah in dadka sida aadka ah ay u saameyso kala tagga ruux ay jeclaayeen ama uu soo maro jacayl fashilmay ay waajib ku tahay iney si joogta ah ula xiriiraan dhakhaatiirta iyo iney qaataan daawooyin la mid ah kuwa ay qaataan dadka wadna xanuunka qaba.

Maandeeq FM

Related Articles

Close