CaafimaadkaUncategorizedWararkaWaxbarashada

5-nooc oo Madax Xanuun ah oo Calaamad u ah Cudurro Nolosha Khatar Ku Ah

Madax xanuunku waxa uu noqday wax iska caadi ah oo in badan oo inaga mid ah aaney wax walwal ah aaney ka qabin, laakiin waxaa jira noocyo madax-xanuun oo khatar ah oo ah habboon tahay in marka aan isku aragno isla markiiba aan dhakhtar la xiriirno.

Waxaan idiin soo gudbineynaa noocyada madax xanuunno khatar badan oo ay habboon tahay markaan isku aragno inaan dhakhtar aadno.

1 .Dhafoor xanuunka

Haddii aad isku aragto dhafoor xanuunka waxaa dhici karta in kuu tilmaamayo mushkilad khatar ah iyo dhibaato hoormoonada jirka haysta oo aan sabab la’aan imaanin, haddii labo-labo uu la socda dhafoor xanuunka waa inaad si dhakhsiyo ah dhakhtar ula xiriirto.

2 .Madax xanuunka xilliga subixii ah

Caadi ahaan subixii waa in madaxu uu ku daganaado, Laakiin marka subixii madax xanuun aad dareento adigoo wax dhafar ah aan gelin, waxaad ogaataa iney arrintaasi ku tusineyso in oxygen yaraan dhanka maskaxda ah ay jirto bareysharka dhiiguna uu kacsan yahay.

3 .Madax xanuun daran

Marka uu kugu soo boodo madax xanuun si lama filaan ah , sababtiisana aad fahmi weydo waa inaad si degdeg ah u aaddaa dhakhtar, waxaa dhici kartay inuu hordhac u yahay stroke kugu soo foolleh oo xilli kasta naftaadu ay halis ku geli karto.

4 .Xanuun saa’idka ah ee gudaha indhaha

Haddii aad dareento in xanuunka ku hayaa mid la mid ah aanuu horey kuu soo marin, uuna kugu soo noqnoqdo muddo isbuuc ah, waa arrin ku tusineysa in isbedello aan wanaagsaneyn uu ka socdo gudaha maskaxda. Sidaas oo kale waxaa suurtogal ah iney calaamad u tahay mushaakil ka jira wadnahaaga iyo xidada dhiigga.

5 .Madax xanuunka xilliga jimicsiga

Haddii aad samayso jimicsi fudud oo aad isla markiiba dareento madax xanuun, dhakhtar aad, madax xanuunka la dareemo xilliga jimicsiga waxaa uu tilmaan ka yahay mushkilado farabadan oo qaarkood ay nolosha khatar ku yihiin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close