UncategorizedWararkaWaxbarashada

Beenta Ay Waalidku Ku Sasabaan Ubadkooda oo Lumisa Kalsoonida ay Ku Qabaan Dadka Waaweyn

Marar badan waalidku waxa uu isku dayaa iney xaqiiqada dhabta ah ka qariyaan ubadka, gaar ahaan wararka ay is leeyihiin ma xamili karaan oo dhibaato nafsiyan ah ayay u keenaysaa.

Sida lagu soo daabcay wakaaladda Jarmalka ee DPA, Midowga ilaalinta xuquuqada caruurta ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in xaqiiqada dhabta oo loo taabsiiyo ay uga dhib yartahay in been dareenkooda lagu ilaalinayo loo sheego.

Xitaa caruurta yaryar aad ayay xasaasiyad uga qabaan beenta, haddii waalidku ka qariyo xaqiiqada dhabta ah waxay dareemayaan in la khiyaamay waxayna ka aamin baxayaa waxwalba, waana arrin ay ka dhalaneyso in ubadku lumiyaan kalsoonidii ay dadka waaweyn ku qabeen.

Khubaradan ayaa hoosta ka xariiqaya in ay habboon tahay in ubadka lagala hadlo mushkiladaha si cad oo saraaxad leh iyadoo aan waxba laga qarineyn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close