UncategorizedWararkaWaxbarashada

Cunista Bariiska oo Laga Digayo Khatarta uu Sababayo Darteed!

Khabiirka dhanka caafimaadka  ka hortagga iyo nutritionist ku takhsustay ee  Roxanne B. Sukol oo maamusha mashaariic caafimaad kana tirsan Cleveland Clinic ayaa ka digtay khatarta bariiska cad oo ay sheegay inuu kordhiyo miisaanka jirka .

Sida lagu daabacay “Business Insider” khabiirkan ayaa caddeysay in bariisku uu lumiyo waxbadan oo faa’idooyinkiisa iyo qiimihiisa cunto ka mid ah kadib marka la kariyo ee dabka la saaro.

Waxay  intaa sii raaciysay in bariiska cad uu lumiyo in badan oo ka mid ah qiimihiisa cunto, iyadoo ay lumaan protein-ka iyo vitamins-ka ku jira.

Dadka caylina ayay ay kula talisay iney iska joojiyaan cunitaanka bariiska cad, iyadoo kula talisay iney cunaan noocyada kale ee bariiska ee uu ku jiro kan midabka Brown -ka leh.

Dhanka kale, hay’adda cuntada iyo daawada Mareykanka ayaa xilli sii horreysay ka digtay dhibaatooyinka bariiska oo laga helay arsenic sun ah, iyadoo maadadaa uu bariisku ka nuugo, sida la sheegay dhulka xilliga uu baxayo.

Si kastaba, digniinta khubaradan ayaa ah mid ku kooban bariiska cad oo la tilmaamayo in qiimihiisa cunto uu lumiyo, halka bariisku uu yahay cuntada aasaasi ah oo aan xilliga qadada looga maarmin guryo badan oo Soomaaliyeed. 

Maandeeq FM

Related Articles

Close