arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dr. Phil oo Noqday Qofka Ugu Mushaarka Badan Adduunka 2017

Dr. Phil oo ah barnaamij soo jeediye adduunka oo dhan caan ka ah ayaa noqday qof ugu mushaarka badan, kadib markii sanad gudihii uu mushaarkiisu gaaray $79 milyan oo dollar.

Liis cusub oo uu soo saartay joornaalka Forbes ayaa lagu sheegay in Dr. Phil uu helay June 2016 illaa June 2017 lacag qiimaheedu uu gaarayo $79milyan oo dollar. Barnaamijka uu soo jeediyo ayaa shacbiyad ballaaran ku leh gudaha dalka Mareykanka iyo dibadiisaba, isagoo la-talin nafsaani ah usameeya dadka uu ku marti qaado barnaamijkiisa.

Sida liiska ku xusan, Ellen DeGeneres ayaa galay gaalinta Labaad iyadoo mushaarka soo galay uu gaaray $77 milyan oo sanad kaliya kusoo gashay.

Dr. Phillip Calvin McGraw waxa uu dhashay September1, 1950, waxa uu ku caanyahay Dr. Phil, waa shakhsi barnaamijka uu soo jeediyo aad looga daawado gudaha Mareykanka iyo daafaha adduunka, markii ugu horreeyay ee Telefishin kasoo dhex muuqdo ayaa ahayd 2002, sanadkii 2015 waxaa soo gashay 70 milyan oo dollar, waxanuu xillagaa galay kaalinta 15aad ee dadka ugu mushaarka badan dunida.

Maandeeq FM

Related Articles

Close