CaafimaadkaUncategorizedWararkaWaxbarashada

Guul Laga Gaaray Qalliin Kii Ugu Horreeyay ee Aadane Madax Loogu Tallaalo

Markii uu marar badan ka hadlay, in qalliinkii koowaad ee dunida ee madax lagu tallaalao oo lagu guulaysto uu sameyndoono, waakan dhakhtarka Talyaaniga ah ee Sergio Canavero, waxa muujiyay kartidiisa kadib markii uu ku guuleystay qalliin kii ugu horreeyay ee uu madax ugu tallaalay qof aadane ah, laakiin waxa uu ahaa mid uu ku fuliyay qof mayd ah si tijaabo ah.

Sida ay qortay jariidada “Daily MailCanavero waxa uu ku guuleytay madax kii ugu horreeyay ee bani’aadam lagu tallaalo, (waxa uu ku sameeyay qof mayd ah si tijaabo ah), isagoo hoosta ka xariiqay in qorshihiisu uu sidii la rabay usocdo, sidaas oo kale, jariidada The Independent ayuu u sheegay dhakhtarku inuu awood u leeyahay in aadane nool uu qalliin madax loogu talaalayo uu ku fuliyo.

Dhakhtarka oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri; “Waxaan noqon doonaa qofka ugu horreeyay adduunka ee madax aadane ku tallaala.”

Canavero waxa uu ballanqaaday in uu sameyn doono qalliin kii ugu horreeyay ee lagu sameeyo qof nool, isagoo madaxa ka jaraya iyo Xarigga lafdhabarta ee loo yaqaanno (Bone marrow), kuna tallaalaya jirka qof dhawaan dhintay, waxaa la iskugu dhiirigelinayaa Electrical pulses si jirku iskula qabsado, bil miyir la’aan ah ka dib, in qalliinkaa lagu guuleysto rajada laga qabaa waxay gaareysaa 90%, waxayse u baahan tahay 80 dhakhtar qalliin, kharashka ku baxayaana uu yahay 10milyan oo dollar.

Si kastaba, Dr Sergio ayaa horey u sheegay bishii January ee bilowgii sanadkan iney ku guuleysteen qalliin daayeen madaxii ay ugu tallaalaan mid kale , halka jiirna si la mid ah ay horey ugu  guuleystay qalliin dhanka madaxa ah oo ay ku sameeyeen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close