UncategorizedWararkaWaxbarashada

Sidee Koronto Looga Dhalin Karaa Jirka Aadanaha

Cilmibaayaal ka tirsan shaybaarka federaalka Swiss-ka ee Qalabka iyo Teknoolajiyadda ee loo yaqaanno “Empa”, ayaa soo bandhigay maaddo cusub oo suurtogelinaysa in jirka aadanaha ay ka dhaliso koronto.

Website-ka “Empa” ayaa soo bandhigay maqaal in cilmibaaryaashu ay heleen waddo cusub oo koronto looga dhalin karo jirka aadanah, waxay ku tiirsan tahay maadadani cusubi saameynta ‘piezoelectric effect. oo loo adeegsanay maaddo jilicsan laga sameeyay siligyada nano ah, iyadoo maadaan cusubi ay leedahay sifada piezoelectric oo korontada lagu dhalin karo, iyadoo marka uu qofku is qalloociyaba koronto uu jirku dhalinayo.

Maamulaha mashruucan oo la yiraahdo Dorina Opris ayaa sheegaysa in maadadan cusub ay suurtagelinayso in tamar looga dhaliyo jirka aadanaha, waxana lagu tallaali karaa urugyada xabadka(laabta), waxana diinimo u noqoneysa garaaca wadanaha ee dabiiciga ah.

Laakiin, sida ay culumadu sheegayaan maadadan ayaa wali ku jirta marxaladdii sameynta lama heli karo illaa tijaabooyinka shaybaarka  mooyaane.

Maandeeq FM

Related Articles

Close