arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Caddeyn Cusub oo Loo Helay In Mareykanku Dunida Ku Khiyaamay “Safarkii Dayaxa”

Dadka ka shakisan safarkii uu Mareykanku ku gaaray dayaxa dushiisa sanadkii 1969, ayaa sheegaya iney hayaan caddeyn ay arrintaasi ku birinayaan iyagoona safarkaa ku tilmaamay been la buunbuuniyay.

Waxaana internet-ka lasoo geliyay “caddeyn” cusub oo ku tusuneysa in waakaaladda cirbixiyeennada Mareykanka ee NASA ay ka been sheegtay howlgalkii dayaxa oo laga shaki sanyahay una eeg inuu yahay mid gacan ku sameys ah.

Jariidada “Daily Star” ayaa sheegtay in dadka ka shakisan in Mareykanku uu gaaray dayaxa dushiisa ay hayaan caddeyn sawir ah oo la qaaday xilligaa uu Mareykanku sheegay inuu dayaxa dushiisa gaaray, sawirkaa ayaa waxaa kasoo dhex muuqanaya qof aan wadan dharka cirbixiyeennadu ay qaataan ee lagu ilaaliyo noloshooda.

 

Qof magaciisu kusoo koobay Streetcap1 ayaa bartiisa Twitter-ka ku faafiyay sawirka caanka ah ee “Mareykanku dayaxa ayay ku kor dageen”. Waxaana ay tilmaameen in markii hore uu rumeysnaa dhacdadaasi, laakiin markii uu sawirka u fiirsaday ay u muuqtay wax uu ka shakiyo.”

Qofkan ayaa bartiisa ku qoray, “Waa kan sawirka waxaa uu reflection ku sameeyay oo uu soo qabtay sawir qof caadi ah oo aan wadan dharka cirbixiyeennada, arrintaasi waa mid layaab badan.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close