arrimaha bulshadaUncategorizedWararkaWaxbarashada

Cilmiga oo Kala Saaray Ragga iyo Dumarka Cidda Darawalnimada Ku Wanaagsan.. Arrintu Sidaad Fileyso Maaha!

Rag badan ayaa dumarka ku dhaleeceeyay heerka darawalnimada ay ka taagan yihiin sheegana inaan qof dumar ah gaari lagu aamini karin, laakiin cilmiga waxa uu sheegayaa arrin taa ka duwan.

Jariidada Daily Mail ee ka soo baxday gudaha Britain ayaa qortay in dumarku kaga wanaagsan yihiin ragga dhanka darawalnimada, maxaayeelay raggu marka ay gaariga wadaan meelo kale ayay milicsan karaan halka dumarku aaney meelo kale eegin, iyagoo ishana aan ka qaadin wadada ay gaariga ku kaxeeyaan.

Koox cilmibaayaal ah oo u dhshay dalka Norway ayaa sheegay 12% shilalka gaariga ay sababto mas’uuliyad darro dhanka darawaliinta ah oo meelo kale eega si aan ku talagal ahayn, waxayna natiijadaa soo saareen kadib markii ay darseen astaamaha shakhsiyeed ee saameynta ku qofka darawalka ah.

Culumadan ayaa cilmibaaristooda ku sameeyay labo kooxood oo tan koowaad; ay ka kooban tahay 1100 arday oo dugsi sare dhigta oo ka tirsan dhammaan daafaha kala duwan ee dalka Norway oo ay ku jiraan 208 la siiyay rukhsadda darawalnimada, iyadoo kooxda labaad; ay ka koobnaayeen 414 qof oo qeybaha kala duwan ee bulshada ka kooban.

Culumadan-saynisyahannada ah ayaa waxay arkeen in qofka ay ku dhacdo ‘Dispersion of mind’ oo uu is arko isagoo meel kale eegaya ay ku xiran tahay qofka darawalka ah jinsiga uu yahay rag ama dumar, waana sida uu yiri cilmibaaraha Olay Johannathan.

Ugu dambeyn, daraasadda waxaa kasoo baxday dadka ugu badan ee dispersion of mind(kala tagsanaan dhanka maskaxda ah) uu ku dhaco ay ugu daran yihiin dadka bulshaawiga ah si ka badan asaagooda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close