UncategorizedWararkaWaxbarashada

Cilmibaaris: Labada Caado ee Qofka Ka Dhigta Mid Asaaggii Ka Da’weyn

Joornaal cilmiyeed oo caan ah ayaa faafiyay daraasad ku saabsan waxyaabaha saameynta ku yeesha muuqaalka qofka iyo isbedelka Physiological-ka jirka ku dhaca, taas oo keenta duqnimo xilli hore ah,  data laga uruuriyay 11 kun oo qof ee Denmark u dhashay iyo daraasad socotay 27sano.

Cilmibaaristan oo lagu faafiyay jariidada cilmiga ee cudurada dilaaga ah iyo caafimaadka bulshada ee “Epidemiology & Community Health“, ayaa waxaa lagu ogaaday in alkolada iyo sigaarku ay yihiin labada caado ee ugu badan ee qofka cimri degdeg ku rida.

Cilmibaayaashan Danish-ka ah ayaa ka faa’ideystay data aad u ballaaran oo xambaarsan macluumaad caafimaad, taas oo laga uruuriyay 11 kun qof oo Denmark u dhashay, iyagoo daraasan ku sameeyay caasimadda Copenhagen, taas oo khuseysay cudurada wadanaha.

Dadkaa 11 kun ee qof ah ayaa xaaladooda caafimaad lala socday laga soo bilaabo sanadkii 1976 illaa 2003, waxayna soo gudbiyeen macluumaad habka ay raashinka u qaataan, sigaar cabistooda, isticmaalka alkolada, waxaana ay ka eegeen cilmibaayaashu, saameynta arrimahaasi ku yeelan karaan caafimaadka jirka qofka, waxaana u soo baxday in sigaarka iyo alkoladu ay yihiin caadooyinka ugu badan ee sababa duqnimada degdegga ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close