arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Falcelinta Dumarka ee Maanlinta Caalamiga ah ee “Ragga”

November 19, waa maalinta caalamiga ah ee ragga adduunku u dabaaldagaan, laakiin in badan oo dadka Soomaaliyeed ah waxba kama yaqaanaan maalintaasi.

Dabaaldagga maalinta caalamiga ah ee ragga ayaa bilaabatay sanadkii 1999 kana bilaabatay dalka Trinidad and Tobago markiisii ugu horreysay, iyadoo dabaaldagga ulajeedka laga lahaa uu ahaa in lagu wacyigeliyo arrimaha dhalinyarada iyo dadka waaweyn” tooshkana lagu ifiyo kaalinta muhiimka ah ee ay raggu ka ciyaaraan nolsha qoyska.

UNESCO ayaa markaa wixii ka dambeeyay dhiirigelisay dabaaldagga maalintaas, dowladihii kale ee adduunkuna way la qaateen in maalintaa caalamig ah la nooleeyo, waxaana xafladaha loogu dabaaldagayo maalintaasi ay ka dhacaan Australia, Mareykanka, Europe, Afrika, Asia iyo South America. Halka dowladaha Carabta qaarkood iyo Soomaalidaba aan weli daabaaldagga maalintaasi soo gaarin.

Sanadkan ayaa maalinta caalamiga ah ee ragga adduunka waxaa halku dhag u ahaa “Dabaaldag si siman ragga iyo dhalinyarada ah”, iyadoo 60 dowladood si wacan maalina looga dabaaldagay.

Dumarka ayaase maalinta caalamiga ah ee ragga dhulka ku jiiday iyagoo qaarkood is weydiiyay waxa loola jeedo maalintan, hadallo quursi ahna usoo jeediyay, iyagoo waliba u sameystay “Hachtag-yo” iyo comments aad u tiro badan oo ay kusoo daabaceen Twitter-ka iyo Facebook iyo Snabshat-ka.

Laakiin dumarku ma sinnee, qaar kale ayaa comments wanaagsan kasoo bixiyay oo tilmaamay iney raggu yihiin aabe iyo xaas wanaagsan, rafiiqa nolosha, uguna hambalyeeyay sanadguurada iney u wancnaato.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close