UncategorizedWararkaWaxbarashada

Khasnad Hanti ah oo Xiriir La Leh Xilligii Islaamku Ka Talinayay Andalus oo Laga Helay Gudaha Dalka Faransiiska

Arday wax ka barta jaamacad ku taalla gudaha dalka Fransiiska ayaa helay khasnad hanti ah oo dhulka ku aasneyd , taas oo ku taariikhaysan xilligii  dowladda Islaamku ka talinaysa Andalus, halka caalim dhanka archaeologist ah uu ku tilmaamay inuu yahay mid naadir ah oo aad u qiimo badan.

Sida ay qortay jariidada “Van Manut” Sabtidii November 18, koox arday ah oo ka tirsan jaamacadda Lyon 2 ee ku taalla gobolka Saon  Loire ee dhexbaratamaha bariga Fransiiska, ayaa helay sanduuq ay ku jiraan in ka badan 2000 shilimaan oo Moroccan ah oo uu ku jira 21 diinaar dahab ah oo ku beegan xilligii casrigii Andalusian uu islaamku ka talin jiray Spain , bilowgii qarnigii 12aad ee miilaadiga.

Isku dar tirada lacagaha shilinka ah ee la helay ayaa gaaraya 2200 xabo oo la daabacay sanadadii 1121-1131 miilaadi, waaana xilli ku beegan markii ay dhacday dowladdii la oran jiray Al-muraabadiyah ee ka talineysay dalka Morocco, isla markaana ay soo baxday dowladdii la oranjiray al-Muwaxiduun, iyadoo dowladdii al-Muraabidiin ay xilligaa kusii harsanaayeen Andalus oo ay ka talinaysay.

Caalimka dalka France u dhashay ee la yiraahdo Vincent Borrell ayaa kansigan hantida ah ee la helay ku tilmaamay inuu yahay mid naadir ah oo aad u qiimo badan, isagoo hoosta ka xariiqay in hantidana uu lahaa gacansade xilligaa noolaa.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close