WararkaWaxbarashada

Munaasabadda Maalinta Caruurta Adduunka oo Muqdisho Laga Xusay

Munaasabadda xuska maalinta Caruurta Adduunka ayaa maanta lagu qabtay xarunta gabdhaha agoonta degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin iyo marti sharaf lagu marti qaaday xafladda.

Sagal Cali Maxamuud oo kamid ah mas’uuliyiinta hay’adda Tubta Nabadda Soomaaliyeed ayaa waxay sheegtay in carruurta Soomaaliyeed ay hadda haysato dhibaatooyin aad u xooggan oo ay ka mid yihiin askariyaynta iyo in lagu shaqeysto iyagoo aan gaarin da’da shaqada.

Waxay Sagal dowladda iyo hay’adaha kaleba ugu baaqday in laga shaqeeyo badbaadinta caruurta Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah carruurta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwii ka qeybgalay munaasabadda ayaa ka biyo diiday in caruurnimo looga faa’ideysto oo lagu shaqeysto, sidoo kalena la askareeyo:

“Waxaan wargelin lahaa dowladda iyo hooyooyinka in caruurta laga dhaafo ku shaqeysiga iyo askareynta, waxaan leeyahay hooyooyinka in maanta oo kale caruurta laga farxiyo, sababtoo ah waa maalin caan ah, xuska maalinta caruurta adduunka” waana sida ay tiri  Canab Xasan Cismaan oo ka mid ah caruurta Soomaaliyeed

Carruurta Soomaaliyeed ayaa ah kuwo u baahan daryeel dhinac walba ah, waxaase ay ugu baahi badan yihiin iney helaan nabad oo fure u ah walwalba oo kale.

Goobjoog News

Related Articles

Close