UncategorizedWararkaWaxbarashada

Trump oo Dib Uga Noqday Go’aan uu Kasoo Saaray “Maroodiga”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal ayaa sheegay inuu la noqday go’aan uu horey uga soo saaray in foolka maroodiga loo dhoofin karo gudaha dalka Mareykanka kadib markii uu dhaleecayn xooggan kala kulamay dadka u ololeeya xuquuqda xayawaanka ee gudaha dalkaasi.

Go’aankan ayaa soo baxay saacado un ka dib markii uu madaxweynuhu oglaaday in foolka Maroodiga laga saaro waxyaabaha koontarabaan ka ah ee aan laga ogoleyn in lagu iibiyo gudaha dalka Mareykanka, waana arrin ay si aad ah u diidanaayeen maamulkii ka horreeyay ee Obama.

Trump ayaa yiri: “Waxaan hakiyay go’aankii aan ku ogolaaday in qeyb xaywaanka ka mid ah la haysan karo kadib marka lasoo ugaarsado, si aan xaqiiqooyinka jira ee deegaanka ku saabsan aan dib ugu eego, arrinta waa mid sanado baaritaan uu ku socday, waxyaabaha soo cusboonaada waxaan waxaan si wadajir ah u eegi doonnaa wasiirka arrimaha gudaha Ryan Zinke . Waad mahadsan tihiin.”, ayuu bartiisa twitterka soo dhigay.

Wasiirka arrimaha gudaha Mareykanka Zinke oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa yiri; waxaan la hadlay Madaxweyne Trump, waxa uuna sheegay in labadooduba ay aaminsan yihiin ilaalinta deegaanka isagoo carrabka ku adkeeyay in la joojiyay oglaanshiyihii foolka maroodiga, isagoona tilmaamay in go’aankii oglaanshiyaha dib u eegis lagu sameyn doono.

Maandeeq FM

Related Articles

Close