arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dhulku Kubad oo Kale Maaha.. Aragti Beeninaysa Wakaaladda Cirbixiyeennada Mareykanka ee “NASA”

Gudaha dalka Mareykanka ayaa waxaa ka furmay shir ay ka qeybgaleen boqolaal qof oo aaminsan fikradda ah in dhulku yahay mid fidsan,  shir ay soo qabanqaabisay Jamaciyadda dadka aaminsan in “dhulku fidsan yahay”, ayaa waxa uu ka dhacay gobolka North Carolina.

Shirkan ayaa loogu magca daray inuu yahay kii ugu horreeyay ee ay qabsadaan dadka aaminsan in dhulku yahay mid fidsan, iyagoo aaminsan in dhulku uu yahay garoon fidsan oo kale.

Sida ay qortay jariidada Daily Mail, shirkan ayaa qiimaha tigidka lagu galayo uu gaaray $249 , waxaana ka qeybgalaya 400 qof oo dunida daafaheeda kala duwan ka kala yimid.

Dadkan ayaa aaminsan in wakaaladda cirbixiyeenada Mareykanka ee NASA ay ka beensheegayso dhulka iyo qaabka uu u eegyahay, iyagoo tilmaamay in xaqiiqada dhabta ah ee dadka laga qarinayo isla markaana aan la dooneyn in aqoonta dhabta ah la faafiyo.

Si kastaba, golaha cilmiga adduunka ayaa aragtidan si aad ah gaashaanka ugu daruuray, waxayna ku tilmaameen aragti lala yaabo, waxay soo bandhigeen sawirro dayax gacmeed oo xilliyo kala duwan la qaaday iyo cilmibaayrisyo dhanka Astronomy-ga ah oo aragtidan lagu beeninayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close