WararkaWaxbarashada

Dinosaurkii Ugu Weynaa ee Dhulka Ku Socda oo Raadkiisa La Helay

Culumo-saynisyahanno ah ayaa carrabka ku adkeeyay iney heleen dinosaur-kii ugu weynaa abid ee illaa hadda raadkiisa la helo, kaas oo aad uga qiyaas duwan noocyadii hore raadkooda loo helay.

Joornaalka “EurekAlert” ayaa qoray in cululmada paleontologists-ka ee shaybaarka cilmibaarista jaamacadda Lyon ee dalka Faransiiska ay isbarbardhig ku sameeyeen daahroggan cusub iyo kuwii ka horreeyay ee la helay sanadadii 2009, 2010, 2011, iyadoo xilligaa la helay dinosaur-kii ugu qadiimsanaa ee cilmibaarisyadii hore lagu ogaaday.

Marka ay qiyaaseen raadka halkiisa tallaabo ayaa qiyaasteedu noqotay 150Mitir.

Culumadan Fransiiska ah ayaa tilmaamay in raadkan la helay uu leeyahay dinosaur xilli hore qariqmay kaas oo noolaa 150 milyan oo sano ka hor, dhiriirkiisa ayay ku qiyaaseen 35 mitir halka miisaankiisa ay ku sheegeen inuu gaarayo 35 tan.

Culumadan ayaan waxaan wali u suurtogelin iney ogaadaan in dinosaur-ku ahaa mid hilibka ku noolaa amaba mid cowska cuni jiray, waana arrinta layaabka ku dhalisay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close