TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Beijing oo Bilawday Tareen Smarts ah kii Ugu Horreeyay Dunida.. Uma Baahna Waddo Bir ah.. Deegaankana Waa la Saaxiib

Shiinaha ayaa suuqa gaadiidka dalkiisa soo galiyay tareen kii ugu horreeyay ee noociisa adduunka oo dhan, waxa uu ku shaqeynayaa tamarta korontada si dhameystiran, wax qiiq ah oo hawada wakheeyana ma sii dayanayo.

Waxaa tareenkan u gaarka ah ayaa ah inuu ku soconayo laamiga caadiga ah, waana mid aad ugu dhaw basaska. Wadadiisu  waa mid si goonni ah loogu calaamadeeyay si loo kala ilaaliyo gaadiidka in waddooyinkoodu isku khaldamaan.

Tareenkan oo tijaabo ah ayaa haddii lagu guuleysto waxa uu ka howlgeli doonaan dhammaan gobollada kala duwan ee Shiinaha.

Xawaaraha uu ku soconayo ayaa ah 70km/saacaddii, isagoo safarkiiba qaadaya 300 oo qof oo rakaab ah.

Engeneerradii tariinka sameeyay ayaa sheegaya in uu ka kharash yaryahay tareennada kale ee waddooyinka birta ah loo sameeyo iyo kuwa dhulka hoostiisa ku socda, waxayna ku tilmaameen inuu yahay gaadiid waxtarkiisu farabadan yahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close