WararkaWaxbarashada

Daraasad: Qayluulashada Duhurkii Waxay Faa’iido u Leedahay Caafimaadka, Nabadqabka iyo Waxsoosaarka Dhaqaale

Dhakhaatiir heer caalami ah oo ku takhasusay dareemayaasha ayaa faafiyay daraasad ay sameeyeen oo ku aadaneyn sida hurdo la’aantu u saameyso unugyada maskaxda ee la falgalka bulshada iyo xiriirkooda, iyagoo ogaaday in qayluulashada xilliga duhurkii u wanaagsan tahay caafimaadka iyo waxsoosaarka qofka labadaba.

Muddo dheer ayaa waxaa la aaminsanaa in hurdada kooban ay faa’ido u leedahay caruurta iyo dadka waayeelka ah, laakiin cilmigu waxa uu hadda sugayaa in caafimaadka, nabad-qabka iyo waxsoosaarka inta ay u wanaagsan tahay qayluulashadu(hurdada xilliga duhurkii ah la seexdo).

Culumadan ayaa ogaaday hal-habeen oo hurdo la’aan ah ay keeni karto khaldaad dhanka maskaxda ah oo si kumeel gaar ah qofka u qabsada; sida xasuusta oo yaraata, aragga oo tashuus ku furmo ..iwm

Dhinaca kale, cilmibaayaasha ayaa ogaaday in qayluulashada yar ee uu qofku wakhti kooban seexdo duhurka in laga faa’iido xasuusta oo ku hagaagta, waxayna qofka maskaxdiisa u hagaajisaa sida inuu shan sano ka yaryaha da’diisa oo kale!.

Daraasadda ayaa lagu sheegay in wakhtiga ugu badan ee qayluulashadu ay tahay saacad, halka dadka saacad ka badan ama ka yar seexaad la oranayo waxoodu qayluulsho maaha.

Maandeeq FM

Related Articles

Close