WararkaWaxbarashada

Iskuul Goob Miino Ku Aasan Tahay Ku Dhexyaalla & Ardayda oo Khatar Maalinle ah U Bareera Gudaha Dalka Yemen

Iyagoo miinooyinka dhulka ku aasan ka dul tillaabsanaya ayaa ardayda Yemen qaarkood ay aadaan Iskuulka iyo waxbarashooda maalin laha ah.

Yunis Ibrahim (14 jir), walalkii Basaam (11 jir) ah iyo Yusuf oo ( 9 jir) ah waxay aadaan iskuulkooda oo ku yaalla dagaanka Xubayl Salmaan oo ku yalla koonfur galbeed  magaalada Taiz.

Laba bilood ka hor ayaa iskuulkooda oo la yiraahdo “Sheekh Ibrahim Cuqeyl” waxbarashadii ka bilaabatay, iskuulka waxaa hareerihiisa ku aasan boqollaal miino oo si filiqsan loogu aasay dhulka; arrintan ayaa keentay in qoysas badan oo ubadkooda iyagoo u naxaya ay waxbarashada ka reebaan. Laakiin hadana iskuulaadkii kale oo aan fursad lahayn darteed, qaar waxbarsho aaney ka socon, kuwa kale oo ay ardaydii isku bateen iyo kuwa qaxooti dagan yahay,  ayaa ku khasbtay iney waalidiintu qaar ka fursan waayeen iney ubadkoodu waxbarashada aadaan. Waxay ku khasbanaadeen in iskuulkii ay miinadu ku aasneyd ay dib ugu soo laabtaan.

Ibrahim Cali oo ah aabaha dhalay saddexdan caruurta ah ayaa wakaaladda wararka ee Anatolia u sheegay : “Waxaan waayay iskuul kale oo iga qaabila caruurta, sidaas ayaa igu khasabtay iskuulka al-Sheekh Ibraahim Cayqal, iyadoo ay jirto khatarta xooggan  ee ay waajahayaan caruurtu.”

Caruurta iskuulkan dhigta ayaa hal waddo oo qura u furan tahay oo maalin kasta maamulka iskuulka Cabdi al-Qani al-Xaydari uu uga digo iney dhinacna uga leexdaan.

Si kastaba, Xukuumadda dalka Yemen ayaa Xuutiyiinta iyo meleeshiyaadka Cali Cabdalla Saalax ku eedaynay iney ka dambeeyaan miinooyinkaa xaafadaha lagu aasay.

Ugu dambeyn, Dagaalka Yemen ka socda ee saddexdii sanno ee lasoo dhaafay sida aan kala go’a lahayn u soconayay ayaa sababay iney ku dhintaan kun dhaawacmaan dad gaaraya 50 kun oo qof oo Yemeniyiin ah, ayna ku barakacaan 3 milyan oo kale, halka 80% dadka reer Yemen ay noqdeen kuwo u baahan kaalmo, waana sida lagu sheegay warbixin ay qaramada midoobay soo saartay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close