arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Tuugo Qaabka Hollywood-ka oo Kale u Dhacaday Banki Gudaha Dalka Kenya

Booliska Kenya ayaa Talaadadii shalay sheegay in Tuugo ay dhaday Banki qaabka aflaamta Hollywood-ka oo kale. waxay bilo qodayeen god gudaha Bankiga geeya, kaas oo kasoo horjeeda saldhig ay boolisku leeyihiin, iyagoo xaday ku dhawaan Hal-milyan oo dollar.

Booliska ayaa intaa sii raaciyay iney dhacdadan u qabteen Labo nin iyo naag, laakiin aaney weli u suurtogalin iney soo celiyaan lacagta ay shaqaalaha Bankiga Ganasiga Kenya ee KCB ay shegeen in la xaday, markii ay shaqada soo gaareen Isniintii.

Taliyaha booliska magaalada Thika ee waqooyi-bari ka xiga magaalada Nairobi ayaa yiri: “Lacagtii la xaday wali ma aanan helin.” Waxa uu intaa sii raaciyay “Tuugadu waxay kireysteen goob gacansi bankiga daris la ah” halkaas ayayna godka ka qoteen.

Bankiga ayaa twitter kiisa kusoo qoray in laga xaday lacago gaareysa 50 milyan oo Sh. Kenya ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close