WararkaWaxbarashada

900 milyan oo Dadka Waddankan ah Ma Galaan Masqulo.. Xaggey Xaajadooda ku Gutaan?!

Dowladda India ayaa isku dayaysa iney dalkeeda ku qanciso shacabka dalkeeda si ay u adeegasadaan adeegsadaan masqulo, isku day ay ku dhibaatoon doonto maadama inta badan dadkaasi aaney u baran iney masqulo galaan.

Xukuumadda dalkaas ayaa magaalada New Delhi ka furtay mutxaf “Masqulaha” dadka si loogu wacyigeliyo iney masqulaha aadaan bedelkii ay duurka kusoo saxaroon lahaayeen. Iyadoo ay dadbadan oo dalkaa ka tirsan aaminsan yihiin in masqulaha guriga ku dhexyaalla ay najaaso tahay.

Ku dhawaad 900 milyan oo Hindi ah ayaan aadin masqulo waana ku dhawaad 70% dadka India oo tiradoodu gaareyso 1.3 bilyan oo qof, dadkaasi guryahoodu masqulo ma laha, taa bedelkeeda banaanada ayay xaajadooda ku gutaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close