arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Taariikhda Ciidda “Thanksgiving” oo Maanta oo Kale Looga Dabaaldago Dalka Mareykanka

Maanta oo kale dadka Mareykanku waxay u tahay maalin ciid ah oo loo yaqaanno ciidda shukirga ama mahadcelinta “Thanksgiving”, waxayna si xoog ah ay u cunaan ciiddan nooc ka mid ah digaagga  oo loo yaqaanno Turkey (bird).

Taariikhda Ciiddan

Dabaaldagga ciidan waxay tariikhdeedu u noqoneysaa qarnigii 17aad, markii ay reer Yurub bilaabeen iney u hijroodaan qaaradda Mareykanka iyadoo xilligaa ka cararay dhibaatada Kaniisadda oo cadaadis badan ku haysay.

Taarkiida ayaa sheegaysa in tiro farabadan oo muhiijintiin Ingiriis ah ay u carareen dhanka Holland halkaana ay uga sii gudbeen xeebaha Mareykanka iyagoo adeegsanaya doomo alwaax ka sameysan oo loo bixiyay “Mayflower“, waxayna ahaa safar dheer oo dhibaato badan oo ay ku dhinteen in badan oo ka mid ah ay u dhinteen harraad, gaajo iyo cudur.

Safarkaa hijrada ah waxa uu salka dhigtay xeebaha bari ee gobolka Massachusetts November 1621. Laakiin markii ay meesha gaareen waxay la kow sadeen xilligii Jiilaalka oo u dhacayo qabow aad u daran, roob aan kala go’ lahayn iyo baraf ay intooda badan u dhinteen. Intii soo hartay ayaa waxaa badbaadiyay labo nin oo dadkii cali-baysteenka ahaa ee deegaanka ka tirsaan oo la kala oranjiay Samosit iyo Squanto, kuwaas oo muhaajiriinta baray sida ay shimbiraha u dabtaan, mallaayga ulasoo baxaan, galleydana u fashaan.

Muddo kadib ayaa dadkii muhaajiriinta ahaa oo muwaadiniin noqday ay u dabaaldageen nimcada Alle ku galladay ee ay ka heleen waddankooda cusub, waxayna casuumeen dadkii Cali-baysteenka ahaa ee dalka ku martigeliyay, martiqaadkaa iyo xafladihii la socoday ayaa loogu magac daray ciidii shukriga oo dadkii soo dhaweeyay ay ugu mahadcelinayaan, iyadoo November 23, sanad kasta loo dabaaldago ciiddan oo guri kasta laga sameeyo casuumaad heersare ah oo si aad u sarreysa loo diyaariyay.

Maaandeeq FM

Related Articles

Close