UncategorizedWararkaWaxbarashada

Waxwalba oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato “Derbigii Berlin” oo Maanta oo Kale La Burburiyay

Gidaarka Berlin waxa uu ku caanbaxay inuu ahaa darbigii ugu horreeyay ee lagu kala teedo dad isku hal waddan ah xilligii kala qeybsanaanta Labada Jarmal ee Bariga iyo Galbeedka.

Dantii darbiga loo dhisay ayaa waxaa ka mid ahaa in isku socodka labada dhinac la xannibo, waxaanuu ahaa mid si heersare ah loo dhisay inta aan la dumin ka hor 28sano ka hor, sanad ka hor inta aaney labada Jarmal isku biirin.

Goormaa la dhisay?

Dhismihiisu waxa uu bilowday August,13, 1961, waxaana loo dhisay si loo kala sooro midowga Jarmalka Galbeed iyo Jarmalka Bari, isla markaana looga dhigo xuduuda labada dal u dhaxaysa.

Dhirirkiisa intuu gaarayay?

Darbigu waxa uu dhul dhirirkiisu yahay illaa 186Km, halka dherarkiisa sare uu meelaha qaar gaarayay illaa 12 mitir, waxaana lagu taageeray silig, goobo ilaalo iyo qalab digniin ah oo lagu xiray darbiga.

Dhismaha darbiga imisa qof ayaa ku dhintay?

Waxaa qiyaastu sheegaysaa 20 kun oo qof oo isku dayay iney ka gudbaan darbiga ay usuurtogashay oo qura 5 kun oo qof oo  dhanka Jarmalka-galbeed u gudbay, sida uu qoray website-ka ” Aragic”.

Goormaa la burburiyay?

Waxaa darbiga la burburiyay maanta oo kale November 23, 1989, waxaana lagu burburiyay rabitaan dhanka maamulka Jarmalka-bari kasoo fulay oo goostay in muwaadiniinta laga khafiifiyo xanibaadda dhanka safarka ah ee saaran.

Maandeeq FM

Related Articles

Close