arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Booliska Sweden oo 3 Caruur ah Kala Wareegay Qoyskooda.. Waalidkii oo Kadaba Ooyaya – Muuqaal

Hooyo iyo Aabe Suuriyaan ah ayaa 3 caruur ah oo ay dhaleen booliska Sweden uu kala wareegay ayaa si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada.

Jariidada “Se plus Arabi” ayaa faafisay muuqaal ay hoyadan iyo aabahan oo ka cabanaya in caruurtoodii lagala wareegay, kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen guddiga adeegga bulshada ee Sweden.

Waalidkan ayaa ka sheekaynaya sidii ilmahooda loola wareegay, iyagoo tilmaamay in si dulmi ah loola wareegay caruurtooda. waxayna dagaanaayeen  Albrasride Sweden.

Aabaha caruurta dhalay ayaa sheegay inaanuu caruurtiisa wax dhibaato ah u geysan, laakiin uu jiray mid ka mid ah caruurta oo dhibaato nafsi ah kasoo qaaday dagaalkii Suuriya.

Si kastaba, Sababta ugu badan ee caruurta loola wareego ayaa ah in guddiga arrimaha bulashada la gaarsiiyo warar ku saabsan dayacaad cararuurta haysata amaba dhibaato ay waalidku u geystaan ubadkooda. Iyadoo qaanuunka Sweden ee ilaalinta ubadka uu qabo ugu horreyn ilmaha goob badbaado ah loo helo kadibna wadahadalku yimaaddo. taas oo macneheedu yahay in waalidka marka hore ilmaha laga qaadayo, markaa kadib ayaa laga wada hadlayaa siday wax u jiraan.

Ugu dambeyn, siday khubaradu sheegayaan, khaladaadka ay waalidiintu galaan ayaa waxaa ka mid ah iney caruurta la cararaan marka ay arkaan in booliskii kusoo foolleeyahay, taasina waxay keenaysaa inuu kiiska sii bato, waalidkan waxay kula talinayaan iney daganaan muujiyaan iyo mas’uuliyad, halka loo baahan yahay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u qabsadaan looyar ay kharashkiisu bixineyso dowladda si ay ilmahooda usoo ceshadaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close