WararkaWaxbarashada

90 Daqiiqo oo Caruurta Ka Fogeyn Karta Buurnida! (Daraasad)

Daraasad cusub ayaa sheegaysa in caruurta wakhti badan ku qaata qalabka teknoolajiyadda ay yihiin kuwa ugu nugul khatarta buurnida xad dhaafka ah.

Koox ka tirsan khubarada caafimaadka caruurta ayaa helay xiriir ka dhaxeeya heerka buurnida iyo booqashada wakhtiga faraha badan lagu bixiyo baraha bulshada.

Admus Hadjibanaes oo ah guddoomiyaha cilmibaaristan ayaa yiri: “Waalidka waxaa waajib ku ah iney xakameeyaan daawashada caruurta ee Telefishinka iyo adeegsiga computer-ka iyo qalabka kale ee u dhigma in ka badan 1.5 saacadood maalintii, waa haddii ilmaha yar uu 4 jir ka weyn yahay.”

Marka uu canugu gaaray 9sano jir, ayaa la ogaaday inuu  7saacadoo ku qaato telefishinka isagoo wakhtiga u soo harana ku qaata baraha bulshada, sida ay sheegayso jariidada the Telegraph.

Culumada ayaa aaminsan in sababta buurinda keenaysaa ay ariintaa tahay xilliga caruurnimada dalalka Yurub, halka cudurka buurnida xad dhaafka ah uu noqday mid si weyn isku soo taraya 25sano ee lasoo dhaafay, arrintan ayaa loo aaneynayaa in 97% qoysaska Yurub uu Telefishin guriga u yaallo, halka 72% uu qalab computer ah oo internet-ka ku xiriirsan ay haystaan, waana sida lagu xusay warbixin lagu daabacay “Acta Paediatrica”.

Cilmibaaryaasha daraasaddan ayaa ogaaday in warbaahinta oo lala socdo qeybaha dambe ee habeenkii ay caqabad badan ku noqoto hurdada dhalinyarada, arrintaas oo u keeni karta khatar ah iney si xad dhaaf ah u cayilaan.

Ugu dambeyn, culumada cilmibaaristan sameysay ayaa kula talinaya waalidka in qalabka elektaroonigga ah ay ka fogeeyaan qolka hurdada caruurta iyo dhalinyarada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close