WararkaWaxbarashada

Degmada Wisil oo Markii Ugu Horreysay Laga Hirgeliyay Iskuul Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ah

Masuuliyiin ka tirsan  Gobalka Mudug ayaa ka qeybgalay furitaan iskuulkii ugu horeeyay ee laga furo degaanka Wisil ee gobalkaas.

Munaasabadda xarig jarka iskuulka ayaa waxaa ka qeybgalay maamulka deegaanka Wisil, kormeeraha guud ee wasaaradda waxbarashada Galmudug, guddoomiyaha ururuka haweenka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Iskuulka oo ah dugsi hoose dhexe iyo Sare, ayaa la sheegay in ay wax ku baran doonaan caruurta degmada iyo kuwa tuulooyinka ku xeeran oo horay aan uhelin fursado waxbarasho, waxaana ardayda wax lagu barayaa si lacag la’aan ah.

Cabdi Xuseen oo ka tirsan mas’uuliyiinta jaaliyadda Galmudug oo iskuulkan hirgeliyay ayaa ku baaqay iney fursaddan dadka deegaanku ay ka faa’ideystaan oo ubadkooda ay wax baraan:

“Ujeedadu waxa weeye in gobolka iyo deegaankeenna iyo dadkeennaba hormarinno, oo maalkeenna iyo maskaxdeenna u hurno, idinkana waan idiin mahadcelinayaa intii usoo diyaargarowday ee dhalinyaro iyo dad kaleba iney ka faa’ideystaan fursaddaan waxbarasho, dadbadan ayaan heli karin fursaddan aad maanta haysatiin oo kale, waxaan idiin leeyaay ka faa’ideysta.”

Cali Xasan guddoomiyaha deegaan Wisil ayaa u mahaceliyay cid kasta oo ka qeybqaadatay hirgelinta iskuulka waxaanuu muujiyay dareenkiisa sida uu ugu faraxsan yahay:

“Xalafaddan lagu daahfurayo waxbarashada Wisil qeyb ka mid ah aad ayaan ugu farax sanahay, waxaan u mahadcelinayaa dadkii arrintaa kasoo shaqeeyay, haddii ay yihiin dad bannaanka ah Xamar dad ka yimid iyo dad gobolka ka yimid iyo dhammaan dhalinyarta.”

Kormeeraha Guud ee Wasaaradda waxbarashada Galmudug Cabdiraxmaan ayaa sheegay in iskuulaadka oo bata waxbarashada ay dan badani ugu jirto iskuulkuna uu ku biiray goobaha waxbarasho ee ay ictiraafsan tahay wasaaradda waxbarashada Galmudug:

“Annaga waan u baahan nahay iney iskuulladu bataan, maxaayeelay; aqoontu iney badato dan baa noogu jirta, waxaan geed dheer iyo mid gaaban u fuuleynaa oo aan baadiyaha u wareegaynaa iney iskuulladu bataan, wasaaradda waxbarashada iyo hay’adaha la shaqeeyaa marwalba waxay door ka qaadanayaan horumarinta waxbarashada, hadday dhismo noqoto, hadday dayactir noqoto, iskuulkan waxa uu ka mid noqon doonaa iskuullada Galmudug oo wasaaradda waxbarashadu aqoonsan tahay.”

Si kastaba, hirgelinta iskuulka cusub ee markii ugu horreysay laga furay deegaanka Wisil ayaa muujinaya horumarka dhanka waxbarasho ee ka tis qaaday tuulooyinka iyo degmooyinka Galmudug.

Maandeeq FM

Related Articles

Close