WararkaWaxbarashada

Maxaa Ka Dhasha In Caruurta Lagu Ceebeeyo Cayilka?

Akadeemiyadda caafimaadka Mareykanka ayaa ka digtay in oraah lagu dhibaateeyo caruurta cayllan oo dareenkooda la waxyeelleeyo, taas oo keenaysa haddii ay dhcdo in cayilku kusii kordho.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Akadeemiyada Mareykanka ee caafimaadka caruurta iyo jamciyadda cayilka, Khamiistii lasoo dhaafay ee November 23, ayaa sheegay in caruurta cayilkooda lagu dhaleeceeyo uu keenayo iney cunnada sii badsadaan goonni u socodna ay noqdaan, taas keenaysa in miisaanku kusii kordho.

Sida uu Reuters u sheegay Steven Punt oo ah guddoomiyaha cilmibaayashaa bayaankan soo diyaariyay ahna aasaasaha qeybta cayilka ee akaadeemiyada Mareykanka caafimaadka caruurta ayaa yiri: “Sii wada habka wanaagsan, waxaan ognahay in isbedel la sameeyaa uu yahay arrin adag, dadka miisaanku ku kordho waa kuwo ay haysato mashaakil kala duwan, laakiin waxaan awoodnaa inaan challenges-gaa ina horyaalla aan wax ka baranno oo aan halkaa ka tillaabo qaadno.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, “Waxaan ognahay in caruurta buurani ay dareemaan nuqsaan iyo walwalka, sidaa darteed waa inaan si wanaagsan ugu dadaalnaa ee aanan si taban u waxyeellayn dareenkooda .”

Si kastaba, cilmibaayaashan ayaa ka digaya in ilmaha cayilan lagu dhaleecyo muuqaalka jirkooda iyo buunida, taas oo keenaysa in miisaankoodu sii kordho. Haddii aad ilmahaa yar uu qoyskaaga ka tirsan yahayna waa inuu kaa helaa garabkii uu kaaga baahnaa si walwalka uu dareemayo aad ula qeybsato.

Maandeeq FM

Related Articles

Close