WararkaWaxbarashada

Qofka Shaqaalaha ah Waa inuu Nasto Marka uu Shaqo Xiriir ah Qabto Muddo 52-daqiiqadood ah.. Daraasad cusub

Cilmibaaris cusub oo gudaha dalka Mareykanka laga sameeyay ayaa ku talineysa iney qofka shaqaalaha ah uu nasasho qaato 52 daqiiqo walba oo uu qabto shaqo xiriir ah.

Daraasaddan oo lagu faafiyay joornaalka “Forbes” ayaa sheegaysa in nasiinadaa kooban qofka shaqaalaha ahi uga faa’ideyso inuu u baxo hawada furan, xoogaa socod ahna uu sameeyo, wax ay dhagtiisu ku raaxaysanayasa uu dhageysto.

Daraasaddan ayaa ka digtay in qofku uu eego e-mailka amaba qaxwo uu cabo isagoo taagan.

Hadaba, si aad u hesho firfircooni awoodaada dhanka shaqo ee kaa baxdayna aad u soo ceshato waxaa lagama maarmaan ah inaad xoogaa nasasho ah sameyo kadib 52 daqiiqo kasta oo aad shaqo xiriir ah qabato.

Ugu dambeyn, Nasahada ugu badan ee shirkadaha waaweyn ay bixiyaan xilliyada nasashada goosgoos ah ee shaqada dhexdeeda waa 5 daqiiqo oo halkii saacba qofka shaqaalaha ah uu ku leeyahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close