WararkaWaxbarashada

Isku dhawaanshiyaha Uurka Hooyada oo Kordhiya Khatarta ah In Caruurta uu Ku Dhaco Autism

“Waxaa wanaagsan in caruurtu isla koraan”.. waa oraah ay dad badani aaminsan yihiin, gaar ahaan dadka da’da weyn ilmaha ku dhala, ayna iskugu dhiirigeliyaan si caruur isku nuug ah  oo aad iskugu dhaw ay uga gaarsiiyaan.

Daraasad cusub oo uu sameeyay markaska xakameynta cudurrada iyo ka hortaggooda ee gobolka Atlanta ayaa diiday oraahdaa soo jireenka ah oo dadyowga adduunka intooda badani ay isla dhex maraan. Cilmibaarista ayaa lagu ogaaday in 50% uu gaaro dadka caruurta isku nuugga ah dhalaa iney haleelo cudurka Autism-ka, waxaana ka dhalanaysa ayay yiraahdeen mushkilado kale oo dhanka dhalmada ah.

Daraasaddan ayaa sheegaysa in haweenaydu u baahan tahay sanad iyo bar ku dhawaad si ay u soo ceshato awoodda jirkeeda, si  ay u qaaddo mar kale canug caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

Daraasaddan ayaa waxay ku tiirsanayd data laga uruuriyay 356 caruur ah oo cudurka Autism-ka hayo, 600 oo mushkilado dhanka korriimada ay haysato iyo 524 canug oo caafimaadkoodu wanaagsan yahay. waxaa la qiimeeyay taariikhda dhalashada, natiijooyinka ugu xun ayaa la ogaaday iney ka dhalato marka uurka lagu dagdago iyo iney hooyadu uurk siddo muddo ka dheer wakhtigii caadiga ahaa, labadaa arrimood waxay xiriir la leeyihiin cudurka Autism-ka, sida daraasaddan lagu sheegay.

Ugu dambeyn, Autism-ka ayaa ah cudur korintaanka dareenka caruurta hoos u dhiga iney bulshada si caadi ah ula falgalaanna u diida, xiriirka oraahda ka xaniba, habdhaqan kaliyana  ku xadida. Soomaali badan oo Mareykanka ku dhaqan ayuu caruurtooda ka hayaa, halka kuwa kale oo dalka gudihiisa ku dhaqanna ay ubadkooda kala tacaalayaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close