CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Saynisyahanno: Faa’iidooyin Lama Filaan ah oo Laga Helo Jimicsiga Jirka

Koox khubaro ah oo uu hoggaaminayay caalimka Dr. Eric Kandel oo ka tirsan jaamacadda Columbia ee gudaha New York ayaa gaaray natiijo aad u weyn oo ku aaddan faa’iidooyinka aan la qiyaasi karin ee jimicsiga jirka laga helo.

Jariidada “New Scientist” ayaa qortay in khubaradani ay gaareen natiijo ah in jimicsiga jirku uu xoreeyo protein “RBAp48” kaas oo ka hortaga cudurka maskaxeedka xasuusta lumiya ee dementia loo yaqaanno.

Protein-kan “RbAp48” ayaa ka qeybqaata in Chromatin uu sameysmo gudaha “DNA”, “RNA”, waxaana la ogyahay marka uu hoos u dhacdo maada “RbAp48” ee “Dentate gyrus” dhanka maskaxda, waa sababta caadiga ah ee inta badan ay dadka waayeelka ah u lumiyaan xasuusta.

Clumadan ayaa sheegaya in culayska la qaado  oo ka qeybta ah jimicsiga jirka waxa uu keenaa in Protein-ka “RbAp48” uu sameysmo, taas oo qofka waayeelka ah garabsiineysa iney joogsato xasuustii lumaysay ee xiriirka la lahad dhanka da’da.

Si kastaba, Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee kasoo baxa dhanka xukuumadda Ingiriiska November 8, 2017, ayaa tilmaamaya in cudurka Dementia uu noqday dilaaga ay dadka dalkaasi badanaa u dhintaan, isagoo markii ugu horreysay ka sara maray dhimashada dadka u dhinta cudurrada wadnaha.

Maandeeq FM

Related Articles

Close