arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waxaa Caddaatay Inuu Dambi La’aan Yahay Kadib Markii Kala Bar Noloshiisa uu Xabsi Ku Qaatay

Maxkamad ku taalla gobolka Virginia ayaa muwaadin Mareykan ah ka sii daysay xabsiga kadib markii lagu waayay dambey uu sababtiisa u xirnaa muddo 38sano ah oo kala bar noloshiisa uu ku qaatay.

Ninkan oo la yiraahdo Craig Cooley oo 70 jir ah ayaa ku xukunnaa xabsi daa’im madaxaagu ha ku furto ah, waxaa dambi la’aan ka dhigay DNA oo baarintaanno  lagu sameeyay uu soo saaray in dambiilaha uu ka duwan yahay Craig. Waxana uu ku eedaysnaa dil saaxiibtii oo 24 jir ahayd iyo wiil ay dhashay oo 4 jir ahaa sanadkii 1978-dii.

Kadib sannooyinkaa tirada badan ayaa waxaa caddaatay inuu dambi la’aan yahay, DNA-da ayaa laga xaqiijiyay inaanuu wax dambi ah gelin, waxaana lagu sii dayay go’aan garsooraha la  yiraahdo Jerry Brown, halka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Virginia uu arrintan  si rasmi ah uga cudur daartay, uuna ballanqaaday in dadaalka ugu badan ay ku bixin doonaan sidii loo qaban lahaa dilaaga rasmiga ah.

Waxaa xusid mudan, in Craig Cooley ay xiriirka kala goosteen saaxiibtii waxyar un ka hor inta aan la dilin, sidaa darteed ayaa loo qabtay looguna tuhmay inuu dilka ka dambeeyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close