WararkaWaxbarashada

Go’aan Cusub oo Ku Aaddan Ka Qeybgalka Dumarka Sucuudiga ee Bandhig Faneedyada

Hay’adda guud ee madadaalada Sucuudiga ayaa soo saartay go’aan cusub oo ku aaddan ka qeybgalka dumarka ee bandhig faneedyada.

Sida qaraarka ku xusan dumarka kama qeybgali karaan bandhig faneed aaney hay’addu ka warhayn ruqsadda oglaanshiyaha hay’addana aan haysan, haddiise bandhigu uu dumar kaliya ku kooban yahay wax mushkilad ah ma lahan.

Bandhig faneedyada ayaa lagu xiray shuruudo illaa 17 ah oo Sagaal & Sideed isku raacsan iyo 4 heshiis, si qaban-qaabiyaasha bandhigyadaasi u helaan ruqsado ogolaanshiya ah oo kuwaas oo ay u baahnaayeen.

Haydda madadaalad Sucuudiga ayaa digniin siisay qabanqaabiyaasha xafladaha madadaalada, waxay sheegeen cid kasta oo shuruudaha u dagsan ku xad gudubta ay hay’addu ka qaadayso tallaabada ku habboon.

Maandeeq FM

Related Articles

Close