WararkaWaxbarashada

W.Waxbarashada XFS oo 27sano Kadib Bixineysa Macallimiin Mushaarkooda

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan,  oo hadal ka jeediyay munaasabadda maalinta macallinka Soomaaliyeed

ayaa sheegay in 27sano kadib ay bajadka dowladda ku dareen mushaarka 300 oo macallin.

munaasabaddan oo maalinimadii  shalay ka qabsoontay magaalada Muqdisho ayaa Wasiirku ugu horreyn  ka hadlay in macallinka gunno la siiyo ama waalidka oo iska xilqaama mooyaane aaney horey u jirin muddo 27sano ah in macallin ay dowladi mushaar siiso:

“Maanta xaqiiqda aan ku jirnaa waxa weeyaan in aanuu dalkeennu lahayn macallin rasmi ah oo dowladdu ay lacag siiso, taasi 27sano ma aysan dhicin, way jiraan macallimiin aan siinno gunnooyin, way jiraan macallin ay mushaarkooda bixiyaan waalidiinta Soomaaliyeed iyo dadka khayrka jecel, laakiin mushaarka dowladda sida ay shaqaalaha kale u helaan macallinkii inuu u helo 27sano ma dhicin.”

Waxa uu sheegay in bajadka dowladda ee 2018 ay ku dareen 300 macallin oo si rasmi ah uga mid noqday markii ugu horreysay shaqaalaha dowaldda:

“2018 markii ugu horreysay waxaan xaqiijinnaay 300 oo macallin oo mushaarkoodu la mid ahaanaayo mushaaraadka ugu sharafta badan, hiigsigeennu waa 5sano inaan abuurno 15,000 oo macallin inaan dalkaan ka sameynno.”, ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan

Ugu dambeyn, munaasabadda maalinta macallin Soomaaliyeed oo ku beegnayd September 21, ayaan la garaneyn sababta ay wasaaraddu dib ugu dhigtay xuska maalintan qadarinta iyo qiimaha weyn ku leh shacabka Soomaaliyeed.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close