WararkaWaxbarashada

Waatan Maadada Aadanaha Ka Dhigtay Inuu Noqdo Kan Ugu Caqliga Badan Noolaha

Waxaa la ogyahay in maadada Dopamine ay saameyso dareenka iyo habdhaqanka uu ku jiro baraarugga, madadaalada iyo farxadda, laakiin kaalin miyay ku leedahay xoojinta maskaxda aadanaha?

Daraasad cusub ayaa lagu ogaaday in maadada  Dopamine ay siyaabo kala duwan horumar ballaaran ku sameyso gudaha maskxada aadaanaha, waxayna ogaadeen in aadanaha ay si aad ah ugu badan tahay goobaha maskaxda, iyadoo qofka ka taageerta fakarka iyo qorsheynta mustaqbalka, arrintaas oo loo fasiran karo iney tahay sababta aan uga caqli badan nahay noolaha kale.

Cilmibaarayaal ka tirsan iskuulka Caafimaadka “Yale School of Medicine“, ayaa is barbardhig ku sameeyay heerka maadada Dopamine ee noole farabadan waxayna ogaadeen in si aad ah maadaa loogu kala duwan yahay cidda kaliya ee si waafiya u heshaan ay aadanaha tahay.

Professor Nenad Sistan oo guddoominayay daraasaddan ayaa  “NPR” u sheegay “Aadanuha waxaa horumarsan nidaamka dopamine si ka duwan daanyeenka chimpanzees-ka la yiraahdo ee aadanaha ugu dhawo.”

Waxaa la ogyahay in dopamine uu kaalin muhiim ah ka ciyaaro garaadka aadanaha oo ay ku jirto xasuusta Guud, habdhaqanka iyo garashada waxyaabaha cusub.

Maandeeq FM

Related Articles

Close