WacyigelinWararkaWaxbarashada

7 Sir oo Shirkadaha Duulimaadku Aaney Dooneyn Inaad Ogaato

Waxaa jiro siro badan oo aadan ka ogeyn shirkadaha duulimaadka, Maanta waxaan ka hadleynaa waxyaabaha qaar oo diyaaradda gudaheeda ka dhaca laakiin shirkadaha duulimaadku aaney dooneyn inaad ogaato sababta, sidaa darteed isku diyaari inaad arrimahaa ogaato.

7 Sir oo Shirkadaha Duulimaadku Aaney Dooneynayn Inaad Ogaato

Todobo

Marka ay diyaaradda haysato cillad farsamo xilliga ay cagaha soo dhiganeyso shirkaduhu cilladaa yar rakaabka lama wadaagaan, laakiin waxaa jira qoraallo airport-ka aad ka heli karto oo kuu faahfaahinaya waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee loo baahan yahay inaad ka ogaato safarkaaga. Daraasaadka diyaaradaha laga sameeyay ayaa sheegaya in cilladaha yaryar ee farsamo ay yihiin kuwa dhaliya shilalka diyaaradaha oo mudada dheer aaney dadku illoobin ee dhiaatada baaxadda leh geysta.

Lix

Shaqaalaha diyaaraddu kuuma sheegayaan marka ay dhibaato waajahayso diyaaraddu ama cilladi farsamo ay jirto, waxaa dhacda in mararka qaar rakaabka lala wadaagaan xaaladda dhabta ah waa marka waddo walba kasoo xiranto. Sababta ay warkaa u qarinayaan ayaa ah in rakaabka walwalka laga ilaaliyo.

Mushkiladaha waaweyn bayloodku waxa uu isku dayaa inuu  waajaho inta suurtogal ah, rakaabkana aanuu la wadaagin.

Shan

Haddii aad tirooyin qoraal ah  ku aad ku aragto ran way-ga airport-ka ee diyaaradu ku socdaan waxaa ogaataa in faa’iidadiisu tahay in lagu xadido xawaaraha diyaaradda. Laakiin waxaa jira airports aan lahayn tirooyinka oo hab kale u maareeya diyaaradaha.

Afar

Inta badan shaqaalaha diyaaraddu ma ogola in kursiga xagga dambe loo dhaqaajiyo si aanad u dhibaatayn qofka gadaashaada fadhiya. Waxayna arrintani ka xanaajisaa marar badan shaqaalaha diyaaradda iney arkaan qofka rakaabka ah oo kursiga marba dhinac u dhaqaajinaya.

Saddex

Laguuma ogola inaad diyaaradda sigaar ku dhex cabto, inta badan dabka diyaaradda dhexdeeda ka kaca hal sigaar ah sabab uma aha, laakiin waxa la diidan yahay ayaa ah in xabba sigaarka ah ay jawiga guud ee diyaaradda ay wasakheynayso qof kasta oo diyaaradda saaranna ay urtiisu gaareyso.

Labo

Diyaaraddu markay hawada ku jirto bayloodyadu waxay seexdaan, waxaa dhici karta inaad arrintan ka walwasho, laakiin waxaad ogaataa iney diyaaraddu leedahay qalab automatic ah oo xaaladaha degdegga ah iskii u maareyn kara in muddo ah, waa marka ay diyaaraddu khad toos ah haysato.

Kow

Shaqaalaha diyaaraddu waxay rakaabka u sheegaan iney taleefoonkooda xiraan si xiriirada diyaaradda dhexdeeda ka socda aaney bayloodka ugu furin tashuush ugana xannibin inuu maqlo macluumaadka muhiimka ah ee xagga dhulka uga imaanaya, laakiin shaqaalaha naftarkoodu arrintaa kuma dhaqmaan oo marka ay doonaan ayay la xiriiraan ehelkooda iyo asxaabtooda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close