CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Caddeyn Cilmi ah oo Kugu Khasbeysa Inaad Labo Jeer Fakarto Inta Aadan Cunin Ka Hor Raashin Uu Duqsi Taabtay

Raashin si wanaagsan laguu diyaariyay haddii Duqsi ku soo dago si lama filaan ah adigoo gaajo ku hayso maxaad sameyn lahayd, ma raashinka ayaad iska cunaysaa mise dhinac ayaad iskaga leexineysaa saxanka?

Sida saxda ah maaha inaad saxankaa cunto, khatarta Duqsiga(Diqsi) sida aad moodeyso way ka baaxad weyn tahay, cudurro farabadan ayuu xambaarsan yahay si ka duwan siyaabihii markii hore laga aaminsanaa, waana sida lagu caddeeyay daraasad dhawaan soo baxday.

Cilmibaayaal ayaa helay in adimada Diqsiga iyo garbihiisa ay ka buuxaan noocyo kala duwan oo bakteeriyo ah oo mararka qaar gaaraysa illaa 100 nooc, waxaana inta badan ay bakteeriyadaasi kasoo raacdaa bullaacadaha iyo goobaha qashinka ee uu ku dago.

Duqsiga marka uu dhulka meel ka tirsan uu taabto amba uu saxanka ku dago  waxaa isla markiiba faafeysa bakteeriyadii uu adimada ku watay ee uu xambaarsanaa.

Koox cilmibaayaal ah oo ka tirsan Jaamacadda Pennsylvania,  Jaamacadda Nanyang ee teknoolajiyadda iyo jaamacadda federaalka ee Rio de Janeiro, ayaa sameeyay daraasad ay ku baareen 116 nooc oo Diqsi ah oo saddex qaaradood oo kala duwan laga soo uruuriyay.

Cilmibaaryaasha ayaa ogaaday in Duqsiga magaaladu uu ka jeermis badan yahay kan miyiga.

Professor Donald Bryant oo ka tirsan gobolka Pennsylvania ee gudaha dalka Mareykanka ayaa yiri: “Daraasaddani waxay kaa dhigeysaa mid fakara labo jeer inta aadan jabis ku cunin meel hawo furan leh, dalxiiskaaga soo aaddan.”, isagoo markaa ka digaya in meel furan oo Duqsi ka agdhaw yahay wax lagu cuno.

Si kastaba, culumada caafimaadka ayaa muddo aaminsanaa in duqsigu kaalin weyn ka ciyaaro faafista cudurrada, sababtuna ay tahay in meel kasta uu joogo, bakteeriyaduna uu u yahay gaadiid meeshii ay doonto ay ku gaarto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close