WararkaWaxbarashada

Qatar oo Mashaariic Waxbarashadu Ka Qeyb Tahay oo Boqolaal Milyan oo Dollar Ku Baxayaan Ka Fulineysa Gudaha Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Qatar ayaa maanta kala saxiixday mashaariic horumarineed oo ku kacaya 200 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Goobta heshiiskan lagu gaarayey waxaa goob-joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan golayaasha dowladda.

Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in la fulin doono mashaariic  farabadan , sidia;  shaqo abuurka dhallinyarada, waxbarashada iyo dhismayaal.

“Mashaariicdan aan saxiixnay waxay dhammaantood ka kooban yihiin kuwo horumarineed, shaqo abuuris iyo kobcinta dhaqaalaha, waa jidad, dhismayaal, shaqo abuur iyo waxbarasho, haddii Alle idmo lacag badan ayaan kala saxiixannay oo mashaariicdaasi ku fuli doonaan oo qaarkood wey bilowdeen kuwo kalena waa ay bilaaban  doonaan” ayuu yiri wasiirka Qorsheynta.

Dhinac kala, waxaa halkaasi ka hadlay madaxa Sanduuqa dowladda Qatar ee mashruucan fulineysa Khaliif Bin Jaasim, wuxuuna sheegay in dhammaantood mashaariicdan yihiin kuwo horumarineed.

“Waxaan cusbooneysiineynaa taageerada aan siinno Soomaaliya innaga oo u mareyna shaqo abuurka dhallinyarada iyo dhismooyinka waddooyinka, waxaana ku kaceysa 200 Milyan oo doolar” ayuu yiri Khaliif.

Ugu dambeyn, dowladda Qadar oo xilliga waajahaysa dhibaatooyin go’doomin ah oo ay kala kulmeyso dowladaha ay waalaha yihiin ee Sucuudiga, Emarat-ka, Masar iyo Baxreyn, ayaa hadana mashaariicdii ugu badnaa ka fulineysa gudaha dalkeenna xilli aad loogu baahnaa mashaariicda noocan oo kale ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close