arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waxay Isguursadeen “Waliyul al-Amri” La’aan.. Kadibna Waa La Dilay

Booliska Pakistan ayaa sheegay iney qabteen 10 qof oo dil u geystay nin iyo naag dhawaan isguursaday “si qarsoodi ah” magaalada xeebeedka Karachi ee koonfurta dalkaasi.

Sida ay qortay wakaaladda wararka Associated Press Isniintii shalay, mas’uul ka tirsan maamulka magaalada Karachi oo la yiraahdo Qasim Xabiib ayaa wakaaladda u sheegay in Cabdil al-Hadi oo 24 jir ah iyo Xasiiba Bibi oo 19 jir ah la dilay oo ay ku dhinteen gacantan dad qaraabadooda ah, maadama ay isku guursadeen si qorsoodi ah iyadoo aan laga warhayn.

Qaasim ayaa intaa ku dartay in aabaha Cabdi al-Hadi dhalay iyo 9 kale oo qoyskaa ka tirsan la xiray kadib markii maydka labada qof laga helay xabaalaha(qabuuraha). Halka aabaha Xasiiba dhalay aan la ogeyn meesha uu jaan iyo cirib dhigay.

Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay in boolisku ay aqoonsadeen in labaa ruux toorrey lagu dilay kadib markii ay khilaafeen caadada dadka Pashtun-ka u dagsan.

Waxaa xusid mudan, in sanad kasta dalka Pakistan lagu dilo 1000 dumar ah oo ku dhinta gacanta dad ay qaraabo yihiin,  iyadoo dilkaas oo loo yaqaanno “Dambi sharafeed”.

Maandeeq FM

Related Articles

Close