WararkaWaxbarashada

Bill Gates oo Xubin Ka Noqday Mid Ka Mid ah Mu’asasaadka Cilmiga ee Ugu Muhiimsan Dalka Shiinaha

Warbaahinta caalamka ayaa xaqiijisay in akaadeemiyada Engineering Sciences-ka ee dalka Shiinaha uu Bill Gates ka mid noqday xubnaha ajaanibka ah ee akaadeemiyaddaa lagu sharfay.

Sida ku qornaa bayaanka akaadeemiyada kasoo baxay “Gates ayaa xubinnimada akeedeemiyadan ku muteystay mashruuc uu ku maalgeliyay warshadda tamarta nuclear-ka  ah ee hormarsan oo ay leedahay shirkadda “TerraPower“, waxaana uu sidaa ku noqday xubin 18aad ee ajaanib ah kana tirsan mu’asasadan cilmiga ee Shiinaha, waana xubinta kaliya ee aan jaamacad ka howlgelin. Xarumaha kale ee cilmibaarisyadana aan ka shaqeyn.

Shirkadda “TerraPower” oo uu madax u yahay Gates ayaa waxay horey heshiisyo is faham ah u la saxiixatay  shirkadda wadaniga ah ee dalka Shiinaha ee tamarta nuclear-ka si ay u wada aasaasaan shirkadda ka shaqeysa teknoolajiyadda Nuclear-ka oo la damacsan yahay in suuqgeyn gacansi ah laga sameeyo.

William Haney Gates ee caan ku ah Bill Gates waxa uu ka mid yahay maalqabeennada dunida ugu taajirsan iyo programmer-da ugu heerka sarreeya ee gudaha dalka Mareykanka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close