WararkaWaxbarashada

Caalim Ruush ah oo Xalliyay 2 Ka Mid ah Masaa’ilka Hilbert oo Xalkooda La Weysanaa Muddo 100-sano Ka Badan 

Dr. Yaroslav Sergeyev oo ah professor ka tirsan jaamacadda Nizhny Novgorod oo ah jaamacad xukuumi ah ayaa ku dhawaaqay inuu xalliyay labo ka mid ah masaa’ilka  Hilbert’s ee ugu adag cilmiga xisaabta, masaa’ilkan oo loo aqoonsan yahay iney ka mid ah Challenges-ka cilmibga ah ee muhiimka ah.

Majallada  “Mathematical Sciences” ee kasoo baxda Yurub isla markaana ay wax ku qoraan aqoonyahannada cilmiga xisaabta ayaa lagu faafiyay cilmibaaris uu caalimkan Ruushka ah qoray, caalimkan ayaa daraasaddiisan ku baaray xalka mas’aladda 1aad iyo 8aad ee liiska masaa’ilka 23 ah oo caalimka reer Jarmal Hilbert uu ku sheegay in xalkoodu noqon doono mid kaalin muhiim ah ka ciyaara hor-u-marinta cilmiga xisaabta ee 100sano ee soo aaddan.

Masaa’ilka Hilbert’s list waa liis su’aalo ah oo ka kooban 23 mas’aladood oo culumada xisaabta xalkoodu ku adkaaday, waxaa soo bandhigay caalimkii reer jarmal ee David Hilbert, waxa uu kusoo bandhigay shirkii labaad ee heer caalami ee culumada xisaabta ee ka dhacay magaalada Paris sanadkii 1900.

Hilbert ayaa masaa’ilkan ku sheegay iney xadidayaan qaabka cilmiba xisaabtu u ekaanayo mudada 100 sano ee soo aaddan. Masaa’ilkan ayaa illaa iyo hadda laga xalliyay 16 mas’aladood oo qura, waxaana  xalka masaa’ilkan kusoo ifbaxay faracyo ka mid ah cilmiga xisabta.

Si kastaba, xalka masaa’ilkan ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaaray kacdoon dhanka cilmiga xisaabta ah ee qarnigii 20aad ee aan soo dhaafnay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close