arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Daanyeer Soo Bandhigay Xirfaddiisa Sports & Urur u Dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Xaywaanka oo Arrintaa Ka Biyo Diiday

Ururka xuquuda xaywaanka u dhaqdhaqaaqa ee “Beta” ayaa Talaadadii shalay cambaareeyay daarnyeer loo adeegsaday inuu dad ku madadaaliyo kulan ka tirsan horyaalka kubadda cagta ee dalka Japan.

Kulanka oo ay ciyaarayeen labada kooxood ee Vissel Kobe, iyo Cerezo Osaka  ee horyaalka kubadda cagta ee dalka Japan oo labo maalmood ka hor qabsoomay ayaa daanyeer loo adeegsaday furintaanka kulanka, daanyeerka ayaa kubadda lagu ciyaarayay u geeyay garsoorihii kulanka daadihinayay.

Laakiin ururka xuquudka xayaanka u dhaqdhaqaaqa ee Beta ayaa arrintaa cambaareeyay isla markaana sheegay “Iney ka hor imaaneyso ruuxda ciyaaraha”. Waxaanuu ku baaqay in la joojiyo in la joojiyo xaywaanka loo isticmaalayo madadaalada garoomada kubadda cagta.

Maandeeq FM

Related Articles

Close